1056 Views

Diyaarad Milliteri oo ku burburtay Filibiin iyo khasaaro ka dhashay

Diyaarad Milliteri oo ku burburtay Filibiin iyo khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Diyaarad Xamuul oo nooceedu ahaa C-130 Hercules ayaa saakayto ku burburtay Koonfurta dalkaasi.
Ugu yaraan 85 Askari ayaa saarnaa Diyaaradaasi oo ku sii jeeday Jesiiradda Jolo Island ee Gobalka Sulu.

Warar Hordhac ayaa sheegay in ugu yaraan 40 Askari laga soo badbaadiyey burburka Diyaaradda, iyadoo ilaa haatan la xaqiijiyey geerida 17 Askari.
Diyaaradda waxay ku burburtay Tuullo lagu magacaabo Bangkal ee Degmadda Patikul.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Duuliyihii Diyaaradda uu seegay dhabaha ay Diyaaraduhu caga-dhigtaan ee Runway-ga
Taliyaha Guud ee Milliteriga dalka Filibiin,  General Ciritito Sobejana waxa uu sheegay inay socdaan baaritaanada waxa sababay Shilkaasi.
Ciiddanka la socday Diyaaradda burburtay waxay u socdeen Hawlgal ay kula dagaalami lahaayeen Kooxda Abu Sayaafa ee u halgamaya inay Madax bannaani u helaan Gobalka Sulu oo ay dadka Muslimiinta deggan yihiin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post