1026 Views

Xaalada Siyaasadeed ee dalka oo mareysa i jiid aan ku jiidee (Warbixin)

Xaalada Siyaasadeed ee dalka oo mareysa i jiid aan ku jiidee (Warbixin)
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-31 2020–Xaalka Siyaasadeed ee xilligaan Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah dalkana waxaa uu ku jiraa waqti kala-guur ah, iyada oo khilaaf uu ka taagan yahay arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya oo mid waliba uu ka dhex raadinayo dantiisa gaarka ah.

Magaalada dhuusamareeb waxaa ka qabsoomay shir rajo badan ay ka qabeen dadka Soomaaliyeed, hayeeshee ka qeyb galkiisa iyo natiijadiisa ay kasoo horjeesteen Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & jubbaland oo markii hore shuruud ku xiray inay ka qeyb galaan.

Warar soo baxayay goor hore ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay soo farageliyeen arrimaha siyaasada dalka, isla markaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay cadaadiyeen inay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay tabashadooda la xiriirta arrimaha doorashada ugala hadlaan Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo aqbalay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post