300 Views

Boqor Buur Madow oo mar kale ka hadlay Xaalada Laascaanood iyo arimo la yaab leh

Boqor Buur Madow oo  mar kale ka hadlay Xaalada Laascaanood iyo arimo la yaab leh
____________________________________________________________________________

Sabti: JANUARY 6, 2023

Buurmadow oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee gobolka Togdheer ayaa ka hadlay duulaanka iyo dhibaatada Muuse Biixi ka gaystay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inaysan jirin  oo Cadow iyo dawladdo shisheeye oo isku  soo bahaystay Somaliland, Wuxuuna Muuse ku eedeeyay inuu dhagar u maleegayo Beesha Habarjeclo.

 “Adeer Somaliland Cadow iyo waxaa aad sheegayso waxba kama jiraan, waxa aannu ognahay ee ka hadlaynaa waa in Shacabkii Laascaanood la Xasuuqay oo la geliyey laba guuto labadaa guuto oo ay kala wateen laba nin oo reer Hargeysa ah oo la kala yidhaahdo Ahmed Aakhiro iyo Indho yare.

Waxa aannu ka hadlaynaa waa in suuqyada iyo Masaajidada lagu laayey shacab aan hubaysnayn oo waxba galabsan. Waxaanu ka hadlaynaa waa in la laayey Culimadii, Aqoonyahankii, Haweenkii iyo Caruurtii reer Laascaanood.

Waxaan ka hadlaynaa in raggii labada guuto watay ee Muuse Biixi oo toos u laayey 21 qof, halkii laga soo qaban lahaa in Muuse doonayo inuu iska hor keeno Habarjeclo iyo dhulbahante oo ninkii u dambeeyey ee dhashiikaha lagu dhuftay loo soo qabtay laba nin oo Sulomadow ah oo aan waxba ridin; taasoo uu uga jeedo inuu isku dhufto dadka Ood wadaagta ah.” ayuu yidhi.

Boqor Buur-madow  ayaa ka hadlay arimo kale Wuxuuna dhaliilo u jeediyey Muuse Biixi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post