867 Views

Galmudug oo soo saartay Go’aano looga hortagayo Dagaal Beeleedyada

Galmudug oo soo saartay Go’aano looga hortagayo Dagaal Beeleedyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 14  2020–Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa Maanta ku dhawaaqay go’aano looga hortagayo isku-dhacdaya labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-mara deegaannada Maamulkaas.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay degaanka Qalaanqale e duleedka Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in marnaba Maamulka Galmudug aysan aqbali karin in ay deegaameyn kasii wado deegaanada lagu dagaalamey ee Waqooyiga Galgaduud.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in dhul aan sharci loo heysan aan laga dhisi karin dhamaan deegaannada Galmudug,taas oo sababtay dagaalo soo laab laabtay,waxaana uu sheegay ciddii go’aankaas qaadan weysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Waxaa uu sheegay in deegaannada Galmudug bilihii la soo dhaafy ay kusoo laab laabteen dagaal beeleedyada,taasina ay keentay hubka oo weli dadka Shacabka gacnata ugu jira,waxaana laamaha Amniga Galmudug uu faray inay fuliyaan Go’aanada ay soo saareen.

Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug waxaa bilihii la soo dhaafay ka jiray dagaal beeleedyo soo laab laabtay walow intooda badan la xaliyay,hayeeshee Galmudug ay ka digeyso inay markale soo laabtaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment