1281 Views

Teendhada Afisyooni Muqdisho oo ka dhacdo doorashada Somaliland ee lagu muran san yahay

Teendhada Afisyooni  Muqdisho oo ka dhacdo doorashada Somaliland ee lagu muran san yahay
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.

Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhinaca kale doorashada dhaceysa ayaa waxaa diiday in ay ka qeyb galaan xubnaha Garabka ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post