276 Views

Qaramada Midoobey: Dunidu waa ay dayacday shacabka ku nool gobolka Idlib

Qaramada Midoobey: Dunidu waa ay dayacday shacabka ku nool gobolka Idlib
____________________________________________________________________________

Isniin:  February 13 , 2023

Madaxa arrimaha gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in beesha caalamku ay dayacday dadka ku dhibaateysan woqooyi-galbeed Suuriya, halkaasi oo kumannaan qof ay ku dhinteen dhul-gariiryadii dhawaan ku dhuftay waddamada Suuriya iyo Turkiga.

Martin Griffiths ayaa sheegay in shacabka ku nool dhulka ay fallaagadu maamusho ee Suuriya ay dareensan yihiin in dunidu ay dayacday.

Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo saxo khaladkaasi laga galay dadka ku nool dhulka uu mucaaridka maamulo ee dalka Suuriya.

Hadalkan ayuu ka jeediyay mar uu booqasho ku marayay xudduudda waddamada Turkiga iyo Suuriya, halkaasi dhawaan uu ka gudbay gargaar bani’aadannimo oo aad u yar oo ku wajahan gobolka mucaaradku uu maamulo ee Idlib.

Isla xilligaasi ayuu afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in gargaar bani’aadannimo oo ka yimid dhanka dhulka ay maamusho dowladda Suuriya uu u xayiran yahay ogolaansho la’aanta fallaagada Islaamiyiinta ahi ee xukunto gobolka Idli

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post