1047 Views

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Mareykanka Join Biden oo Taleefan ku wada hadlay

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  iyo madaxweynaha Mareykanka Join  Biden oo  Taleefan ku wada hadlay
____________________________________________________________________________

isniin: January 10, 2022

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay isaga iyo madaxweynaha Mareykanka Joseph R. Biden iney xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay taleefan uga wada hadleen.

Waxaanna ka wadahadalnay ayuu yiri: “arrimaha quseeya xiriirka labada dhinac iyo gobolkaba, waxaana isku afgarannay inaan xoojinno iskaashiga aan leennahay oo ku dhisan isixtiraam.”

Xiriika u dhaxeeya Mareykanka iyo Itoobiya ayaa sii xumaanayey wixii ka dambeeyey dagaalka ka qarxay waqooyiga dalka Itoobiya.

Washington waxay ka noqotay heshiiska AGOA oo seddex dal oo ay Itoobiya ka mid tahay wax soo saarkooda si canshur dhaaf ah ay ugu iib geynayeen suuqyada Mareykanka, kaddib marki uu Mareykanka Addis Ababa ku eedeeyey arrima la xiriira xuquuqda aadanaha.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post