474 Views

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Dhismaha Airport Caabudwaaq

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo kormeer ku tagay Dhismaha Airport Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay Mashruuca Dhismaha Airport ka weyn ee Magalada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa waxaa weheliyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug waxayna u kuur galeen halka u marayo Dhismaha Airport Ka Caabudwaaq International Airport.

Guddoomiyaha Gudiga Airport ka Caabudwaaq ayaa sheegay in Shaqadu meel fican marayso waxana uu sheegay in laa iyo hada la diyaariyay Runway dhan 2.5 Km dhawaana la garsiin doono 3KM laamina la saari doono.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Gudiga Airport ka ugu bishareyay in maamulka Galmudug ay Lacag dhan $540,000 kun oo dollar oo la rabay in lagu fuliyo Mashruuc kale lo so leexiyay dhismaha Airport Cabudwaq dhawana ay so gaari doonto.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gudiga Airport Mudane Cabdiqaadir Dheere ayaa ka mahadceliyay Boqashada Madaxweyne ku xigeenka iyo garab istaaga Dowlada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post