1557 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal, ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Safaaradda, Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain.

q1 q2 q3 q4 q6

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment