1812 Views

Muuse Biixi: “wax wadahadal ah lama galeyno Somaliya”

Muuse Biixi: “wax wadahadal ah lama galeyno Somaliya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 21, 2018 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan safar ku maraya degaannada Bariga ee Maamulkaas ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn wadahadal uu xilligan ka galo dowladda Federaalka ah ee Somaliya.

Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay goob lagu soo dhaweynayay oo ku taalla Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayuu sheegay in uu ku dayanayo Madaxweynaha Eritrea oo uu sheegay in uu wixii Eritrea rabtay wax kasta u huray.

Waxaa uu ka sheekeeyay halgankii Eritrea kaga go’day Itoobiya, Heshiiskii Algers ee Itoobiya iyo Eritrea iyo dagaalkii 32ka Sano uu ku jiray Madaxweynaha Eritrea.

Muuse ayaa yiri ” Isias waxaa uu dagaal ku jiray 32 Sano, 4m oo ka mid ah dhilkiisa in uu bixiyo waa diiday,ilaa adduunka go’doomiyay,ugu dambeyntiina fadhigiisa ayaa loogu tagay,Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa u tanaasulay oo ugu tagay gurigiisa,annagana ilaa aad nooga imaaddaan idinlama hadleyno”.

Mr Biixi,waxaa uu soo dhaweeyay isbeddelka ka socda Geeska Afrika,waxaana uu Dowladda dhexe ugu baaqay in ay marka hore aqbasho dowladnimo ay yeelato Somaliland.

Hadalka Muuse ayaa dhabar jab ku ah dadaallo ay wadeen qaar ka mid ah Waddamada Europe sida Norway iyo Holand kuwaas oo ka shaqeynayay sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada dowladda dhexe iyo Maamulka Somaliland ee gooni isu taagga ku dhawaaqay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment