597 Views

Wasaaradda Caafimaadka oo war ka soo saartay Sheybaarada laga heli karo baarista COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka oo war ka soo saartay Sheybaarada laga heli karo baarista COVID-19
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay Sheybaarada laga heli karo adeegyada Baaritaanka Caabuqa COVID 19.

1 January 2022

Wasaaradda Cafimaadka Iyo Daryelka Bulshada Waxay mas’uul katahay Ilaalinta Iyo Bixinta Shahaadada baarista COVID-19 ee lasinayo Dadka ka dhoofayo Dalka. Wasaaradda Caafimaadka waxay halkaan hoose ku cadeynaysaa shaybaarada haysta ogolaanshiyaha shaqo ee baarista Xanuunka COVID-19, sheybaaradaas oo ah kuwa buuxiyay shuruudahii Wasaaradda ay u dajisay tayada baarista ee xanuunksa COVID-19.

Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dadka ubaahan baarista COVID-19 si ay u safraan in ay adeegyada baarista ka qaadankaraan oo kaliya goobaha iyo xarumaha sheybaarada ay Wasaaraddu siiay ogolaanshada oo uu adeegi doono bushada lacag dhan $ 30 dollar sida lagu cadeeyay heshiiska  adeeg bixinta ee labada dhinac.

F.G: Isbitaallada Dowladda waxay baarista COVID-19 u samayn doonaan oo kaliya dadka xanuunsanaya ama ay Dhakhaatiirtu uga shakiyeen inuu qabo xanuunka, balse ahayn ujeedo baris safar ee COVID-19, halka dadka safraya lagu baarayo xarumaha sheybaarada ay Wasaaraddu siiay ogolaanshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post