525 Views

Burcadda interneetka oo la wareegay mareegaha dowladda Mozambique

Burcadda interneetka oo la wareegay mareegaha dowladda Mozambique
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 23, 2022

Kooxaha burcada interneetka ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta in ka badan 30 bogagga internetka ah oo laga leeyahay Mozambique kaddib markii ay Isniintii dowladdu sheegtay in ay iska caabisay weerarro xagga internet-ka ah oo lagu soo qaaday.

Koox lagu magacaabo “Yemeni Hackers” ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkii ugu dambeeyay.

Kooxda ayaa sheegtay in ay si buuxda u galeen bogagga 34 wasaaradood oo ay ku jirto wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Mozambique.

Burcadda ayaa waxay ku hanjabeen in ay fashili doonaan xogo sir ah haddii aan la siinin lacagaha madax furashada ah ee ay dalbadeen.

Erminio Jasse, oo ah madaxa Machadka Qaranka ee Dowladda Mozambique, ayaa Isniintii sheegay in aan wax macluumaad ah la xadin,.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post