447 Views

Maxkamadda Ciidanka oo waaran u jartay askar ka barbar dagaallantay Ahlu Sunna

Maxkamadda Ciidanka oo waaran u jartay askar ka barbar dagaallantay Ahlu Sunna
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 25, 2022

Maxakamadda darajada 1ad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay amar lagu soo qabanayo 26 askari oo isugu jira ciidamo ka tirsan hay’adda nabadsugidda ee NISA iyo booliska iyo tiro maleeshiyo ah.

Qoraal ay maxkamaddu soo saartay oo lagu xusay xubnahaas iyo darajadooda ayaa tixraacaya qoraal hore uga soo baxay xeer ilaalinta ciidamaada ee qaybta 21aad.

Sida qoraalka ku xusan waxaa xubnahaas lagu eedeeyey in ay dagaal ku qaadeen ciidanka qalabka sida iyo dhamaan maamulka Galmudug.

26ka askari ayaa la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Ahlusunna wal jamaaca oo dhowr goor dagaal la galay ciidanka amniga ee maamul goboleedka Galmudug.

Dhinaca Ahlusunna oo aan xiriir la samaynay ayeysan noo suurto galin in aan jawaab ka helno.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post