1161 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhiggiisa Burkiina Faso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhiggiisa Burkiina Faso
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 27-2020—Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka Burkiina Faso ayaa waxaa uu la kulmey dhiggiisa dalkaas Alassane Baka Sadandé.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé ayaa waxaa ay siwadajir ah u sheegeen inay ka geli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

 

Maanta ayaa la filayaa in wadanka ku yaalla galbeedka Afrika ee Purkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment