942 Views

Qarax khasaaro geystay oo lala eegtay xubin ka tirsan Guddiga FEIT

Qarax khasaaro geystay oo lala eegtay xubin ka tirsan Guddiga FEIT
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Waxaa faah faahino laga helayaa qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo lala eegtay Mas’uul ka tirsanaa Guddiga doorashooyinka ee FEIT, xili ay gaari ay wateen uu marayay inta u dhaxeeysa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaa lala eegtay Gaari nooca Hilux oo uu saarnaa Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan Guddiga doorasbooyinka Heer Federaal iyo illaalo uu watay, iyadoo uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sida la xaqiijiyay Eng, Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan Guddiga FEIT waa uu ka badbaaday qaraxa miinada ah, balse waxaa ku geeryooday laba kamid ah ilaaladiisa halka mid kalena uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Goobta qaraxa miino uu ka dhacay waxaa  gaaray Ciidamada Boolis ah kuwaas oo halkaas ka daad gureeyay meydadka iyo dhaawaca midka kale, iyagoo gaarsiiyay dhamaantood Isbitaalka  Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa howlgalo Miino baaris ah  ka sameeyey wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha, balse kama aysan bixin wax faah faahin wixii usuurta galay intii ay howlgalka ku guuda jireen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post