837 Views

Saraakiil ku biireysa dagaalka Gobolka Mudug oo gaaray Gaalkacyo

Saraakiil ku biireysa dagaalka Gobolka Mudug oo gaaray Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta lagu Soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ka tegay Magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen ka qeyb qaadashada wajiga labaad ee xoreynta degaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin Al-shabaab. dagaaladii Ciidamada Galmudug, kuwa Federaalka iyo ciidamada degaank la galeen Al-Shabaab.

Taliyaha Cidiamada Daraawiishta Galmudug, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo,Taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo, Odoyaal iyo Dhalinyarada magaalada ayaa ka qeyb galay soo dhaweyn loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Saraakiisha maanta  tagyau magaalada Gaalkacyo.

Soo dhaweyn ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal waxayna sheegeen in Saraakiishaan ay qeyb ka noqon doonan la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post