2238 Views

Dowlada Japan oo isu diyaarisay barakac haddiiba W/Kuuriya gantaal ku riddo

Dowlada Japan oo isu diyaarisay barakac haddiiba W/Kuuriya gantaal ku riddo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2018 – Dadka ku dhaqan Magaalada Tokyo ee Xarunta Dalka Japan ayaa maanta sameeyay is badbaadin tijaabo ah kaddib markii ay dowladda dadka ku wargelisay in ay bartaan sida looga badbaado gantaallada Waqooyiga Kuuriya.

Bartamaha Tokyo ayaa lagu arkay kumanaan qof oo kala cararaya,kuwaas oo jilaya iyaga oo ka baxsanaya gantaal  tusaale ah.

Dowladda ayaa arrintan uga gol leh in dadka Magaalada Tokyo isu diyaariyaan suurtagalnimada gantaallada Waqooyiga Kuuriya in ay ku garaacdo dalkaas.

Dadka ayaa la arkayaa manta oo Isniin ah iyaga oo kala cararaya islamarkaana raadsanaya gabaad si haddii Gantaal uu ku soo socdo Tokyo u helaan meel ay kaga badbaadaan.

Todobaadkii la soo dhaafay TV-ga Dowladda ayaa Twitter-kiisa ku baahiyay farriin qalad u baxday oo shacabka fareysay in uu gantaal ku wajahanyahay Caasimadda loona baahanyahay in ay gabaad raadsadaan.

Arrintaas ayaa qal qal amaanka ka abuurtay Tokyo,waxaana sacaad kaddib TV-ga laga beeniyay warkii lagu qoray Twitter-ka kaas oo markii dambe la tiray.

Japan waxaa ay ahayd halkii ay musiibada ugu weyn ka soo gaartay dagaalkii 2aad ee Dunida kaddib markii Magaalooyin ka mid ah lagu dhuftay Nuclier oo uu Mareykanka ku riday waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment