1497 Views

Xaflad loogu Hambalyaynayey 30-ka ardey ee ku guuleystey deeqda waxbarasho Hormuud Telecom

Xaflad loogu Hambalyaynayey 30-ka ardey ee ku guuleystey deeqda waxbarasho Hormuud Telecom
____________________________________________________________________________

 Arbaco: September 8, 2021

Munaasabaddan ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Wasiiru dowlaha Amniga ee Somalia, Mudane Farhan Ali Ahmed, wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Dr Fadumo Ahmed Caalin (Cureeji), Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mudane Abdullahi Nur Osman, guddoomiyaha Hormuud Telecom, Mudane Ahmed Mohamud Yusuf, guddoomiye ku xigeenka Salaam Somali Bank Mudane Maxamed Cabdi Coloow, Gudoomiyaha Tubta Nabadda Mudane Abdullahi Maxamed Shirwac, gudoomiyaha SSWC Marwo Aamino Xaaji Cilmi iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom Mudane Ahmed Mohamud Yusuf, oo madasha ka hadlay ayaa ardayda kula dar daarmay in ay ku dadaalaan waxbarashada, isagoona dhinaca kale xusay in ardayda iyo waalidiintaba ay mas’uuliyad wadareed iska saaraan sida ardaygu berri u noqon lahaa mid dadkiisa iyo naftiisaba anfaca.

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeey ardeyda iyo waalidiintoodaba guusha ay ka gaareen Imtixaanka Qabuulka ee deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, imtixaankaas oo ay galeen ardey gaareeysa 400 arday.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegey in 30 Ardey ay yihiin dufcadii 3-aad ee deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, oo ay qarashkeeda bixinayaan Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank, wuxuuna ardeyda kula dardaarmay in ay aad uga faaii’deystaan deeqdaan waxbarasho ee la siiyey, wuxuuna u ballan qaaday inay garab iyo gacan ku siin doonaan sidii ay waxbarqshada uga guul keeni lahaayeen.

Dhammaan masuuliyiintii kale ee goobta ka hadashay ayaa u hambalyayey ardeyda iyo waalidiintoodaba , iyagoo dhanka kale uga mahad celiyey Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank furaskaan ay u abuureen ardeyda Soomaaliyeed, waxaana aay ugu baaqeen dhammaan Ganacsatada kale ineey ku deydaan Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank oo furas kaanoo kale u abuuraan ardeyda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah waalidiinta oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank fursaddaan ay u suura galiyeen caruurtooda, iyagoo alle uga baryay inuu u barakeeyo xoolahooda, waxayna ballan qaadeen inay kaalintooda waalid ay ka soo dhalaali doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post