852 Views

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgalo ka sameeyeen degaanka mubaarak oo Xarun u ah shabaab kana tirsan gobolka shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo  hawlgalo ka sameeyeen degaanka mubaarak oo  Xarun u ah shabaab kana tirsan gobolka shabeellaha Hoose.
____________________________________________________________________________

April 8-4-2021

 Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ayaa hawlgalki qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen degaanka mubaarak oo ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose , halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa inay degaan kaas ka saaraan Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay sidoo kale ku burburiyeen Goobo ay Al-Shabaab ku diyarinayeen waxyaabaha qarxa , sidoo kalena ay u yaleen dawooyin.

Dhinaca kale War kasoo baxay Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda y ku guuleysteen inay soo qabtaan  Xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo uu kujiray Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda degaanka Mubaarak.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post