942 Views

Hoggaamiyaha Xizbullah”Sacuudiga Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran”

Hoggaamiyaha Xizbullah”Sacuudiga Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 21-2019 —Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta uga digay Sacuudi Carabiya inay ku khamaarto dagaal ay la gasho Iran, sababtoo waxa uu “burburin doonaa boqortooyada”

 

Hoggaamiyaha Xizbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sheegay in hab cusub oo difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga.

 

“ Sacuudiga Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa” ayuu Nasrallah ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.

 

Isaga oo xusaya in weerarkii September 14 uu hakiyey ilaa bar wax soo saarkii saliidda Sacuudiga, ayaa Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.”

 

Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada Iran ay taageerto.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment