435 Views

Siyaasiyiinta & Bulshada Koonfur Galbeed oo isku raacay dagaal ka dhan ah argagixisada

Siyaasiyiinta & Bulshada Koonfur Galbeed oo isku raacay dagaal ka dhan ah argagixisada
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 16, 2022

Wasiirada, xilhibaanada, siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo shirweyne ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay kaalintooda ku aadan kacdoonka dulmi-diidka ee ka socda dalka, kaas oo looga soo horjeedo argagixisada Al-shabaab.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirada Gaashaandhiga iyo Diinta iyo Awqaafta, Xannaanada xoolaha, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaan jeediyay kalmado ku wajahan sida ay muhiim ugu tahay bulsahada Koonfur Galbeed in ay iska dulqaadaan arxan-laawayaasha Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda Difaaca Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay shirweynahan looga tashanayo kacdoonka dulmi-diidka ee lagu ciribtirayo argagixisada, wuxuuna mahad gaar ah u celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay abaabulka iyo qabsoomidda shirweynahan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta kulmay ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah argagixisada, kaas oo ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna argagixisada Al- Shabaab dalka iyo dadka soomaaliyeed ku hayaan gumeysi iyo gumaad qaawan, waxaa Alle Mahadii ah in maanta leysla fahmay, oo si wadajir loola diriraayo.

Dalka waxaa ka socda kacdoon lagu diidan yahay argagixisada Al-shabaab iyo falalka gurracan ee Bulshada ku hayaan, waxaana hadda kacdoonka xooggiisa ka socda gobolka Hiiraan, halkaas oo badi argagixisada laga xoreeyay

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post