1239 Views

Britain Oo Soo Saartay Baasaboor Cusub Oo Uusan Dusha Kaga Qornayn Midowga Europe

Britain Oo Soo Saartay Baasaboor Cusub Oo Uusan Dusha Kaga Qornayn Midowga Europe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Dowladda Britain ayaa bilowday soo-saarista Baasabooro cusub oo ka duwan kuwii horey loo isticmaali jirtay markii ay Britain xubin buuxda ka ahayd Ururka Midowga Europe “European Union”.

Tallaabadda Erayga Midowga Europe looga saaray muuqaalka kore ee Baasaboorka UK ayaa timid, kadib, khilaafka kala-guurka ee labada dhinac ee dhowrka jeer dib loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Britain waxay shalay ku dhawaaqeen inay soo-saarista Baasabooradda cusub bilaabeen bishii hore ee March 30-dii oo ku beegnayd maalintii taariikhda rasmiga ee ay Britain kaga bixi lahayayeen Ururka EU-da.

Raa’isul-wasaarada Britain, Theresa May waxay dib u dhigtay Ka-bixitaanka Ururka EU-da oo ay Britain xubin ka haayd tan iyo sannadkii 1973-kii oo ku beegan muddo haatan laga joogo  46-sanno ah.

Theresa May ayaa la filayaa inay Shirka 27-ka dal ee xubnaha ka ah EU-da yeelan doonaan maalinta Arbacadda ee soo socota ka codsan doonto xilli-kordhin kale ilaa bisha June 30-da, si loo dhamaystiro Ka-bixidda Britain ee Ururkaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment