1995 Views

Sawirro:-Qalab Xafiiseed Lagu Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya

Sawirro:-Qalab Xafiiseed Lagu Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 05, 2019 –Xafiiska Hanti dhowraha guud ee Qaran ayaa maanta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ku wareejiyay gabi ahaanba Qalab xafiiseedyadii ay kushaqeynayeen xafiisyada waxaana ka mahad celiyay taliska Asluubta.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa dhisme lagu sameyn doonaa maalmaha soo socda dhismaha xafiiska Hanti- dhowrka guud ee Qaran oo si casri ah loo qalabeyn doono isla markaana qorshuhu yahay inuu noqdo mid bilic wanaagsan sidaas daraadeed ayaa qalabkii xafiiska maanta lagu wareejiyay taliska Asluubta.

Mas’uuliyiinta xafiiska hanti-dhowraha guud ayaa sheegay in muhiimadu tahay in Qalabkaan oo isugu jira mid cusub iyo mid xafiisyada yaalay lagu wareejiyo Taliska Asluubta taasina ay qayb ka tahay iskaashiga labada hay’ad iyo in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta General Cabdi kariin Cali Afrax ayaa uga mahad celiyay mas,uuliyiinta Xafiiska hanti dhowraha guud qalab xafiiseedka ay ku wareejiyeen waxaana uu xusay in wax badan uu qalabkani u tari doono bilicda xafiisyada Taliska.

“Xafiiska Hanti-dhowraha guud si wanaagsan buu noola shaqeeyaa waan u mahad celinayaa mas,uuliyiinta runtii madaxda Xafiiska waan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca Taliyaha Ciidanka Asluubta waa agab muhiim ah talisku waxaa uu ku talo jiraa in wax soo saarkiisa uu kordhiyo oo uu wax badan ka qayb qaato wax soo saarka dalka”ayuu yiri Taliye xigeenka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment