453 Views

Dalka ay haweeney madaxweyne ka tahay guddoomiyaha baarlamaankana loo doortay haweeney

Dalka ay haweeney madaxweyne ka tahay guddoomiyaha baarlamaankana loo doortay haweeney
____________________________________________________________________________

Talaado: February 1, 2022

Dr. Tulia Ackson ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Tanzania, arrintaas oo bog cusub u fureysa waayaha siyaasadeed ee xildhibaanaddan laga soo doortay degmada Mbeya.

Waxa ay tartan loollan adag ah uga guuleysatay siddeed murashax oo kale, iyadoo heshay 376 cod.

Dkt.Tulia waxa ay noqoneysaa haweeneydii labaad ee af hayeen ka noqota Baarlamaanka Tanzania.

Balse waxaa taas sii dheer in waddankaas ay xilligan madaxweyne ka tahay haweeney kale oo lagu magacaabo Samiya Suluxu Xasan, oo xilka qabatay markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas, bishii March ee sanadkii 2021-kii.

Samiya oo xilligaas madaxweyne ku xigeen ahayd ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay abid ee qabatay jagada ugu sarreysa dowladda

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post