1446 Views

Booliiska Uk oo xiray afar qof kadib markii baraha ay bulshada lagu wadaagay Muqal Yuhuud Nacabyn ah.

Booliiska Uk oo  xiray afar qof kadib markii baraha ay bulshada lagu wadaagay Muqal Yuhuud Nacabyn ah.
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Booliiska magaalada London ayaa xiray afar qof kadib markii baraha ay bulshada lagu wadaagay muuqaal muujinaya dadkan oo ay baabuur ay ku dhex wateen xaafad ay ku badan yihiin dadka Yuhuudi.

Dadkaan la qab qabtay ayaa ku qaylinaya, sida booliisku sheegay, hadallo Yuhuud nacayb ah, taasi oo keentay in la soo qab qabto waqti kooban.

Sidoo kale Wadada Finchley Road oo ku taalla waqooyiga London kana mid ah degmooyinka ay dadka Yuhuudu ku badan yihiin ayaa muuqaalkan oo uu qof daaqadiisa ka duubay waxa laga arkayaa baabuur badan oo ay ka lushaan calanka Yuhuudu iyada oo dadka gaadiidkaas saarnaana ay ku dhawaaqayeen hadallo hanjabaado ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post