753 Views

Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo kulan ka leh muddo xileedkooda.

Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo kulan ka leh muddo xileedkooda.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-10-2020Magaalada Jowhar Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda abaabulka kulan Golaha Wakiilada Maamulkaas ay ku yeelanayaan si uu u hortago Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Waxyaabaha ay diiradda ku saarayaan waxaa kamid ah, waxa ay ka yeelayaan doorashada maamulkaas, maadaama muddo xileedka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle uu idlaanayo marka la eego mudada doorashada.

Maanta Magaalada Jowhar waxaa tagaya Xildhibaanno ku sugan Magaalada Muqdisho, halka Baladweyne laga soo qaado Mudanayaal kale, sidoo kale saacadaha soo socda waxaa Xarunta Hir-Shabeelle ku wajahan Madaxda maamulkaas iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Madaxweyne Waare iyo Guddoomiye Cismaan Barre iskuma waji wanaagsano oo waxa ay ku kala aragti qaybsameen go’aamo ay soo saartay Madaxtooyada Hir-Shabeelle oo ku saabsan Magacaabis iyo xil badal.

Waxaa yaraa kulamada Baarlamaanka, intooda badan waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, Xildhibaan katirsan Hir-Shabeelle ayaa Mustaqbal u sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay howlaha Dowlad Goboleedka uu yaraa.

Xildhibaannada qaar ayaa qaba in waqti kooban lasiiyo maamulka si loo diyaariyo doorasho, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in Odoyaasha Beelaha ee soo xulay markii hore talada iyo kuraasta dib loogu celiyo si doorasho cusub loo qabto.

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa la aas-aasay 9-kii October 2016-kii, Maamulkaan waxa uu ka kooban yahay dhismo ahaan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana waqti qaatay dhismihiisa iyo is fahamsiinta Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo dhinacyadii loo arkayay in ay door ku leeyihiin ee kasoo kala jeeda labada Gobol.

Daraasad la sameeyay 2013-kii, Bulshada kunool Labadaan Gobol waa 1.772 Malyan oo ruux, Hir-Shabeelle waxa uu xad wadaag la yahay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed, Gobolka Banaadir dacal ayuu ka saaran yahay.

Haddaba, Hir-Shabeelle ma waxaa ka dhici doonta Doorasho waqtigeeda lagu qabto, mise waqti kordhin ayay sameysan doonaan Madaxtooyada iyo Hay’adda Xeer Dejinta Maamulkaas?

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post