504 Views

Dabka ka kacay qeybo kamid ah qaaradda Yurub oo weli kusii faafaya halkaas xilli kuleyl daran uu ka jiro Yurub.

Dabka ka kacay qeybo kamid ah qaaradda Yurub oo weli kusii faafaya halkaas xilli kuleyl daran uu ka jiro Yurub.
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: July 20, 2022

Dabka ka kacay qeybo kamid ah qaaradda Yurub ayaa weli kusii faafaya halkaas xilli kuleyl daran uu ka jiro Yurub.

Inkasta uu hoos u dhac ku yimid heer kulka ka jiray Faransiiska iyo UK, kooxaha dab damiska ayaa weli la daalaa dhacaya daminta dabka ka kacay keymaha ku yaalla Giriigga, Spain iyo Talyaaniga.

Dabka wuxuu si ba’an u saameeyay deegaannada dhaca koonfur galbeed Faransiiska kaas oo haatan la damiyay.

Dalka Giriigga, ku dhawaad 500 oo kamid ah kooxaha dab damiska ayaa ku howlan daminta dabka ku baahay buurta Mount Penteli kaasoo gaaray ilaa caasimadda Athens.

Boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay deegaanno dhaca Giriigga xilli diyaaradaha khumaatiga u kaca ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanayaa daminta dabka.

Dabka ayaa baabi’iyay keymo ballaaran oo ku yaalla qaaradda Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post