1281 Views

Sawirro:-Madaxweyne Deni Oo Kulamo Weli Ka Wada Gobolka Mudug

Sawirro:-Madaxweyne Deni Oo Kulamo Weli Ka Wada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2019–Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Goleyaasha Puntland ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, Isimada, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socdey Guddiga horumarinta Gobolka Mudug.

Muhiimadda kulanka oo uu faahfaahiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, xasiloonida iyo horumarinta gobolka.

“Madaxweynha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu caawa xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacayo kulan kula qaatay hogaanka dhaqanka gobolka Mudug, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka iyo Gudiga horumarinta Gobolka, Madaxweyne Deni ayaa dhagaystay warbixin ay kasoo gudbiyeen xaaladda guud ee gobolka waxaa ay ka warameen horumarka socda, caqabadaha, Fursadaha iyo baahiyaha gobolka ka jira”.

 

“Madaxweynaha ayaa aad uga mahad celiyey sida quruxada badan ee qoraalka ah ee xaaladda gobolka uga warbixiyeen, waxaana uu sheegay in Dowladdu wax badan ka qabanayso baahiyaha ka jira gobolka, iyada oo loo kala horumarinayo sida ay u kala mudan yihiin, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu ku baaqay in laga wadashaqeeyo amniga” Ayuu yirin Afhayeenka Puntland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment