1050 Views

Ingiriiska oo Ciidamo farabadan geeyay Yemen

Ingiriiska oo Ciidamo farabadan geeyay Yemen
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 09, 2021 —Ilaa 40 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee SAS ayaa waxay  ka dageen Garoonka Diyaaradaha ee Al Ghaydah airport ee magaallada Mahra ee Bariga Yemen.

Ciiddankaasi waxaa la sheegay inay ugaarsanayaan Calooshood-U-shaqaystayaal ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta ee ka mas’uulka ahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Markabkii Booyadlaha ee dhawaan lagu weeraray meel ka baxsan Badda Oman.

Ciiddanka Khaaska UK ee SAS waxaa ka mid ah kuwo ku takhasusay Qalabka Elektaroonikada si looga gun gaaro kuwa la baadigoobayo.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka ee loo adeegsado duqeymaha masaafada dheer.

Sirdoonka Maraykanka iyo Israel waxay rumeysan yihiin in Diyaaradda Drone-ka ee loo adeegsaday Duqeynta Markabka laga ganay Bariga Yemen, laguna hagayey Qalabka GPS, iyadoo Gantaalka lagu maamulayey Kameerada ilaa uu ku habsaday Markabka.

Weerarkaasi waxa uu bishii July 30-dii ka dhacay meel 152 nautical miles dhanka W/bari kaga toosan Dekedda Duqm ee dalka Oman.

Ciiddanka Khaaska ee UK waxaa Hawlgalkaasi ku wehlin doona Ciiddamo Maraykan oo horey ugu sugnaa Gobalka, oo taageeraya Tababarka Ciiddanka Khaaska ee Sacuudiga.

Dowladaha UK, Maraykanka iyo Israel waxay ku eedeeyeen Ciiddanka Iran inay ka dambeeyeen Weerarkaasi, inkastoo ay Dowladda Iran beenisay eedeymahaasi.

Markabka la duqeeyey oo lagu magacaabo MV Mercer Street waxa uu ka soo ambabaxay Tanzania, iyadoo uu ku wajahnaa Dekedda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post