741 Views

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo  ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin.
____________________________________________________________________________

  April 18- 2021

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,  ayaa ansixiyay in dalka Libya laga hirgeliyo xabbad joojin,  isla markaana dalkaas loo direy 60 kormeere oo dusha kala socon doona  meel-marinta go’aankan.

Sidoo kale  dowladda  midnimada Qaran ee Liibya, ayaa loogu baaqay in ay qabato doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana loo dhan yahay 24 bish December ee sanadkan.

Go’aanka golaha ammaanka ay codka aqlabiyad ah ku meel mariyeen ayaa ka dambeeyay soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres.

Libya ayaa deganaansho la’aan ku jirtay tan iyo 2011, markaas oo xukunka  xoog looga tuuray hogaamiyihii dalkaas Macamar Al Qaddafi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post