786 Views

Booliska Kenya oo toogasho ka geystay duleedka Nairobi

Booliska Kenya oo toogasho ka geystay duleedka Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2da Maarso, 2021:-Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya ayaa waxaa ay toogasho ku dileen Nin la sheegay in uu kamid ahaa Koox Burcad ah oo dhibato ku haaya dadka ku nool xaafadaha bariga Magaalada Nairobi.

Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Cabaas ayaa waxaa arkay Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya xilli uu saarnaa Mooto, isla markaana uu marayay Aaga wadada Kangundo, hayeeshee is rasaaseyn dhex-martay isaga iyo booliska la toogtay.

Goobta lagu dilay Ninka Burcadda ah ayaa waxaa ay Booliska ka heleen Bustoolad uu la tuhmayo in uu leeyahay Sarkaal Boolis ahiyo 11 Rasaas ah, waxaana booliska ay sheegeen inay weli tuhmayaan in uu meelo kale hub farabadan ku heystay.

“ Cabaas wuxuu ahaa dambiile khatar ah oo xiriir la leh dilal badan oo ka dhacay gudaha Buru Buru, Kayole iyo Dandora, oo ay ku jirto toogasho haweeney degaanka  Kariobangi bilo ka hor ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidamada Dambi barista ee Booliska Kenya.

Howlgalkan ay Ciidamada Booliska Kenya ku dileen Ninka Burcadda ahaa ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dadka degaannada Bari ee Magalada Nairobi ay cabasho u gudbiyeen Booliska.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post