1218 Views

RW Rooble oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee Jubbaland billowday

RW Rooble oo ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee Jubbaland billowday
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.

Rooble ayaa sidoo kale ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn u hambalyeeyay xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa noqday Maamulka Saddexaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyay Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post