1248 Views

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar

SAWIRO:-Wasiir Cawad oo la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 29, 2019 —Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

 

Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar  ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida.

 

Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo  caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment