1374 Views

Dowladda Masar Oo Soomaaliya U Soo Direysa Khubaro Sahminaya Kaydadka Shidaalka

Dowladda Masar Oo Soomaaliya U Soo Direysa Khubaro Sahminaya Kaydadka Shidaalka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 —Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa Somalia, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Somalia, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka Somalia.

Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiir C/rashiid Maxamed oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka codsaday dhigiisa dalka Masar inay Somalia u soo diraan Khubaro gacan ka geysta Sahminta iyo Soo-saarista Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Somalia leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay ku jiraan Kaydadka dihan oo Shidaaal iyo Gaaska Dabiiciga.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala waxa uu soo dhaweeyey Codsiga DFS, wuxuuna xusay inay Khubaro ka tirsan Shirkadaha Batroolka ee Masar  u soo diri doonaan Somalia, si ay Hawlgalladda Baaritaanadda Ceelasha Shidaalka ee Somalia  u bilaabaan sannadka soo socda ee 2019-ka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu sheegay inay  Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Batroolka Somalia tababar Farsamo ku qaadan doonaan Masar, si sare loogu qaado Aqoontooda ku aadan Shidaal Baarista.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment