2049 Views

Germany oo xukuntay nin ay ku eedeysay in uu xubin ka ahaa Al-Shabaab

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Dowladda Germany ayaa xukun ku ridday Nin Soomaali ah oo lagu Magacaabo C/Qaadir,kaas oo lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab.

C/Qaadir ayaa lagu eedeeyay in uu ku biiray Al-shabaab 2012kii,kuna tababartay xeryo Ciidan oo ay leeyihiin Al-shabaab,tabbaarkiisa ayaa lagu sheegay in uu ahaa adeegsiga Baskooladaha iyo Bambooyinka Gacanta laga tuuro.

C/Qaadir oo 20 jir ah waxaa lagu eedeeyay in isaga iyo 3 xubnood oo kale oo ay iskala tirsanaayeen AL-shabaab ay Masaajid ku yaalla Muqdisho ku dileen qof Masaajidka ka baxayay.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in C/Qaadir markii dambe loo xil saaray dilka shaqaalaha dowladda ee ka cunteynaya Maqaayadaha,waxaa uu toogtay mid ka mid ah shaqaalaha dowladda isaga oo dhaawacay.

Intaas kaddib AL-shabaab ayaa xirtay ilaa uu 2012kii ka baxsaday xabsiga AL-shabaab,islamarkaana galay dalka Germany,waaxaa dalka Germany lagu xiray Bishii Februay ee Sanadkii 2014kii.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment