195 Views

Maleeshiyaadka Khawaarijta Alshabaab oo aan ka hadli qasaarihii ka soo gaaraydagaalkii ka dhacay Tuulada Dhagaxow iyo hubkii laga furtay.

Maleeshiyaadka Khawaarijta Alshabaab oo aan ka hadli qasaarihii ka soo gaaraydagaalkii  ka dhacay Tuulada Dhagaxow iyo hubkii laga furtay.
____________________________________________________________________________

Khamiis:  January 19 2023

Warbaahinta Alshabaab oo caan ku ahaa in ay soo bandhigaan Sawiro iyo Muuqaalo marka ay dagaal la galaan Ciidamada Xooga iyo kuwa Deegaanka, oo ay ku muujinayaan Qasaaraha kale ayaan wali ka hadlin Weerarkii shalay iyo qasaaraha ka soo gaaray Dagaalkii shalay lagu Xasuuqay Khawaarijta Alshabaab

Ku dhawad 60  ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Sidoo kale, Khawaarijta halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray.

Taliyaha Mahad Maxamed salaad ayaa noqday taliyihii NISA soo mara oo dagaal toos ah la gala Khawaarijta, kuwaas oo 15 sano Xasuuq ku hayay dadka daga Somaliya intooda badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post