1197 Views

SAWIRO:-DFS oo Guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka Sabiib-Caanoole

SAWIRO:-DFS oo Guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka Sabiib-Caanoole
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 03, 2019—Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin Aadan Cali Najax ayaa gaarey  deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

 

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

 

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Al-Shabaaab. Ayuu yiri Gudoomiye najax.

 

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa  Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

 

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga saaray Al-Shabaab  loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa oo ay u baahan yihiin Shacabka deegaankaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment