1590 Views

Sawirro:-RW Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway

Sawirro:-RW Kheyre Oo Qaabilay Safiirada Sweden Iyo Norway
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 31, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,mudane, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay danjirayaasha Waddamada, Sweden iyo Norway u jooga Soomaaliya, Von Uexkull Andreas iyo Rognlie Elin Bergith.

Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa Safiirrada kala haday xoojinta xariirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, in Dowladaha Sweden iyo Norway ay ka caawiyaan dedaallada cafinta deymaha, dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Danjirayaasha, Sweden iyo Norway u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre, in Dowladahoodu ay ka go’antahay in Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorshaha dib u soo kabahasha ee lagu xusay tubaha Qaranka.

Waxayna dhanka kale ammaaneen Safiirrada dib u habaynta ballaaran ee ay Dowladdu ku wado hannaanka Dowlad wanaagga, dhismaha hay’adaha Dowladda, dhaqaalaha iyo Ciidanka.

Sweden iyo Norway ayaa kamid ah Dowladaha dedaalka badan ku bixiyay sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan labayd Qaran jabkii iyo burburkii gaaray ee Sanooyinka badan soo jiitamayay

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment