1866 Views

Wafti ka socda ONLF oo gaaray Addis Ababa

Wafti ka socda ONLF oo gaaray Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 13, 2018 – Xubna sare oo ka socda Jabhadda ONLF ayaa fiidnimadi xalay gaaray magaalada Addis Ababa, wafdiga oo uu hoggaaminayey afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Cabdulqaadir waxay ka kooban yihiin 3 xubnood oo sare.

Wafdiga waxaa gigada diyaaradaha caalamiga ee Bole ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe.

Caddaani oo ka warramaya sababta keentay iney Itoobiya tagaan ayaa wuxuu sheegay in ay tahay mid ay kaga jawaabayaan baaqa uu u soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.

Sida oo kalana wakhti xaadirkan xaaladda deegaanka Soomaalida uu ku sugan yahay sidii wax looga qaban lahaana iney si deg deg ah ku yimaadeen.

Wuxuuna intaa ku daray laga billaabo in jabhaddu xabbad joojin iskeed ay ugu dhawaaqday maadaamaa ay dooneyso iney gobolka xabbad dambe ka dhicin oo deegaanka Soomaalidana xal waara looga gaara.

Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha isgaarsiinta dawladda Itoobiya Kaasaahun Gofe wuxuu isna sheegay iney xisbiya badan oo mucaarad ahaa ay dalka yimaaddeen.

Golaha wakiillada shacabka oo horay Jabhadda ONLF u aqoonsaday inuu ka mid yahay ururrada argagixisada wuxuu ka tiray liiska aragagixisada wuxuu baarlamaanka uu Jabhadda ONLF u aqoonsaday iney tahay jabhad xaq u dirir ah oo halgan ku jirto

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment