369 Views

Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Magaalada Baydhabo  waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________


khamiis: March 3, 2022

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253 iyo Hop#178 ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.

2-Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post