1044 Views

Cali Xarbi Cali oo diiday inuu qirto dambiga dilkii xildhibaan David Amess oo dhacay laba bilo ka hor

Cali Xarbi Cali oo diiday inuu qirto dambiga dilkii xildhibaan David Amess oo dhacay laba bilo ka hor
____________________________________________________________________________


Talaado: December 21, 2021

Ninka lagu eedeeyay inuu toorey ku dilay Xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska oo ku sugnaa Kaniisad uu kula kulmayay codbixiyayaasha Bishii October ayaa diiday inuu wax danbi ah galay, kadib dhageysigii maxkamadda ee Talaadada maanta.

Cali Xarbi Cali oo 25 jir ah, ayaa waxaa dhalay lataliyihii hore ee dhanka Warbaahinta ee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu toorey dhowr jeer ku dhiftay xildhibaan Amess.

Eedeysanahan oo lagu soo eedeeyay dil iyo inuu diyaarinayey falal argagixisanimo, ayaa diiday inuu qirto labada qodob ee lagu soo eedeeyay, waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago bisha March ee sanadka soo socda.

Dilka Amess oo ahaa 69-jir dhalay shan carruur ah ayaa yimid shan sano kaddib markii xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska lagu dilay dariiqa, taas oo keentay in si weyn loo ilaaliyo xildhibaannada.

Amess oo ahaa xubin ka tirsan Xisbiga Conservative Party ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, ayaa lagu weeraray Kaniisadda Belfairs Methodist Church ee ku taal waqooyi-bari ee London, wuxuuna ku dhintay isla goobtii lagu toorreeyay, in kasta oo ay dadaallo lagu badbaadinayay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka.

Reuters.

Office Nairiobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post