687 Views

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar oo soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona

Wasiirka caafimaadka  Fowsiya Abiikar oo  soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Xili dalka uu ka jiro Xanuunka Covid oo uu aad ugu soo badanayo, ayaa waxaa Qeylo dhaan ka soo saartay arintaas Wasiirada caafimaadka dalka.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya.

Fowsiya waxay sidoo kale sheegtay in ‘xaaladda ay tahay mid daran isla markaana lasii wadayo dadaallada lagu xakameynayo cudurka” ayay ku qortay barta ay ku leedahay Twitter-ka.

Sidoo kale Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post