1245 Views

Xukuumadda Somalia oo qabaneysa shirar looga hadlayo Arrimaha Shidaalka

Xukuumadda Somalia oo qabaneysa shirar looga hadlayo Arrimaha Shidaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhici doonaan shirar looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya,kaas oo ay ka qeyb geli doonaan Shirkado daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

 

Qoraal uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayu ku sheegay in Shirka koowad lagu qabanayo Turkiga,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas,kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirka labaad isna uu ka dhacayo dalka Mareykanka si la mid ah ay kasoo qeybgeli doonaan Shirkado laga leeyahay dalkaas,kuwaas oo daneynaya Shidaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka ma shaacin waqtiga rasmiga ah ay shirarkaasi dhici doonaan,hayeeshee waxaa la xasuustaa khilaafkii xooganaa ee ka dhashay shirkii looga hadlayay Arrimaha shidaalka ee ka qabsoomay Magalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment