1008 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jubbaland oo gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-24–2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada.

 

Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

 

 

 

Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Al-Shabaab ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena.

 

Waxaa golahu uu uga mahad celiyay shacabka ree Jubbaland sida adkaysiga iyo dal jacaylka leh ee ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen Shacabka Jubbaland taas oo ay qayb ka tahay xayiraada dhinaca hawada ah ee shacabka ay kusoo rogtay Dowlada Federaalka ah.

 

Dhinaca kale Wasaarada Waxbarashada ayaa soo bandhigtay sida ay muhiimka u tahay in la sameeyo dabagal dhab ah oo lagula soconayo sida Iskuulada Waxbarashada ay u hirgalin lahayeen Siyaasada Waxbarashada ee Wasaarada.

 

Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay hanaanka Cusub ee dib u habaynta dhaqaalaha inay muhiim u tahay sidii sanadaha soo socda loo samayn lahaa dib u qaabayn xoog leh oo dhinaca dhakhliga ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment