1200 Views

War deg deg ah: Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi oo goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi

War deg deg ah: Madaxweynihii hore  Soomaaliya Cali Mahdi oo  goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Nairobi.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu Soomaaliya madaxweyne ka noqday 26-kii Janaayo 1991-kii, markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna xilkaas si rasmi ah u hayey illaa 3-dii Janaayo ee 1997-kii, inkasta oo muddadaas ay dalka hareeyeen dagaalo sokeeyey, oo aanu maamulkiisa shaqeyn.

Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1929-kii ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gooblka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 92 jir. 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post