465 Views

Aadan Duqow “ Su’aashii ugu horreeyey ee safiirku i weydiiyay waxay aheyd….”

Aadan Duqow “ Su’aashii ugu horreeyey ee safiirku i weydiiyay waxay aheyd….”
____________________________________________________________________________

Arbaco, 3 Agoosto [Qaranimo Online] Aadan Nuur [Duqow] oo ka mid ah maamulka shirkadda Amaana ee fadhigeedu yahay Magaalada Rotterdam ee dalka Netherland ayaa ku tilmaamay ganacsiga Soomaalida ee waddankaasi mid cagta saaray waddadii horumarka, isaga oo sheegay in Soomaalidu markii hore ay dalkan kaga sii gudbi jirtay waddamo kale, balse hadda ay iimaansadeen in ay ku noolaadaan.

Aadan Duqow oo wareysi siiyay Somali Nederland TV Youtube, ayaa  ka warbixinayay heerarka ay soo martay shirkada ganacsiga Amaana ee uu maamulkeeda ka mid yahay wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Amaana  isku ballaarisay laamana ganacsiga ayna soo kordhisay adeegyo macaamiisha loogu geynayo guryahooda & goobaha ay degan yihiin dhammaan adeegyada ay bixiso.

 “Shirkada Amaana waxay isku xilsaartay in ay Soomaalida ku dhaqan NL u diyaariso adeegyada ay u baahan yihiin haddeey noqon laheyd raashinka quutul-daruuriga, xawaalad, dharka & nuuc kasta oo adeeg ah”  Ayuu yiri Duqow, wuxuuna intaasi raaciyay in ay jirto guulo wax ku ool ah oo laga gaaray sidii ganacsiga Soomaalidu wax ula qeybsan lahaa ganacsiyada kale ee ajnabigu ku leeyihiin dalkan.

“Ganacsigeenu ma ahan mid ku xiran Soomaalida oo keliya, balse Soomaalidu waxay kaalinta 1-aad kaga jirtaa macaamiisheena, waxaan ugu talogalnay dadka u soo dukaameysi taga Amaana shop ee ka yimaada waddamada Beljium, Germany & Faransa maqaayad ay ka heli karaan nuucyada kala duwan ee cuntada” Ayuu yiri Aadan Duqow.

Aadan mar uu ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo aheyd sababta ganacsiga Soomaalidu ugu koobban yahay raashinka quutul-daruuriga  & xawaaladaha, wuxuu sheegay in ganacsiga Soomaalidu aad u kobcay dhowrkii sanno ee u dambeeyay, kana gudbay waqtiyadii loo nisbeyn jiray inuu xadiddan yahay.

“Soomaalidu, waxay ku jirtaa jaaliyadaha ugu dhaqdhaqaaqa badan haddeey noqon laheyd ganacsiga & shaqada, markii ugu horreysay ee aan ganacsiga fureynay sida ay talan-taaliga u ahaayeen iyo maanta sida ay wax u qabsanayaan, waxay u baahnaayeen [rol-model] oo ay ku hirtaan, taas ayaa nagu keliftay inaan dadkeena tusaale u noqono” Ayuu yiri Aadan Duqow, isaga oo kaga mahadceliyey safiirka Soomaaliya u fadhiya midowga yurub & waddamada Benelux Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi booqashadii uu dhowaan ku yimid Amaana Restaurant.

“Danjire Yoonis waa safiirka keliya ee inta uu xafiiskaasi joogay shacabkiisa soo dhexgalay,halkan aan fadhino noogu yimid, su’aasha keliya ee uu I weydiiyay waxay aheyd tan aad I weydiisay oo ah; in ganacsatada Soomaalidu leedahay “institution” ay ku mideysan yihiin, arrinkaas waa ku howl jirnaa qaar badan oo aan la xiriiray waxaan isku afgaranay in noqono dad isku xiran” Ayuu yiri Aadan Duqow.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post