1170 Views

Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta. oo kulmay

Axmed Madoobe iyo  Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo  ka mid ah Midowga Musharaxiinta. oo kulmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Waxaa Magaalada Muqdisho manta ka dhacay kulan aan la shaacin oo ay yesheen Madaxweynaha dowlada goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe iyo  Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo dadaalka xal ka gaarista doorashada oo uu madaxweynaha Jubbaland u yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid sidi xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arimaha Doorashada ka taagan, wuxuuna ka qeyb-galaya shir ka dhacaya gudaha xerada Xalane.

Sidoo kale Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu sii gooni-gooni ah madaxweynaha Jubbaland ula qaadanayo madaxda mucaaridka iyo saaxiibada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post