447 Views

DEG DGE: Qalbi-Dhagax oo sheegay tallaabo ay qaadayaan kadib go’aankii xukuumada Rooble

DEG DGE: Qalbi-Dhagax oo sheegay tallaabo ay qaadayaan kadib go’aankii xukuumada Rooble
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo galabta golaha wasiirrada Soomaaliya ay ka saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo soo dhaweeyey go’aankaas, aadna ugu mahadceliyey xukuumadda Rooble.

Qalbi-dhagax ayaa tallaabadii maanta go’aan geesinimo leh ku tilmaamay, isagoo shaaciyey inay qaateen raali gelintii golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoo ku hadlaya magaca ururka ONLF.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel kasta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu mahad celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuumadii Xasan Cali Kheyre ugu aqoonsatay argagixisada.

Qalbi-dhagax waxa uu sheegay in ONLF ay meel kasta dabaal degyo ka dhigeyso caawa, isla markaana ay soo saari doonaan war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku shaacinayaan soo dhaweyntooda go’aankaas.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble ay kula kulmeen magaalada Nairobi ee dalka, isla markaana uu xiligaas ka balan qaaday in burburinta go’aankaas ay mar un xukuumadiisu ka fariisa doonto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu qorsheynayey in mar hore la gaaro go’aankaan, balse ay jireen jid gooyo siyaasadeed oo uu kala kulmaayey xafiiska Farmaajo iyo dhinacyada taabacsan.

 “Mas’uuliyadda koowaad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kadib markii la I dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas magtiisii anigaa dhiibaye, sidoo kale golaha wasiirrada isagaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubnood wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmiga ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

By Zahra Axmed Gacal

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post