936 Views

Shir u dhaxeeya Dowladda & Dowlad goboleedyada oo Maanta furmaya

Shir u dhaxeeya Dowladda & Dowlad goboleedyada oo Maanta furmaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu Maanta ka furmo shir Sannadeedka Garsoorka dalka, kaas oo sanadkii labaad muddo 30 sanno ah ka dib la qabanaayo,waxaana uu socon doonaa muddoo laba Cisho ah.

 

Shirka waxaa ka qayb gali doona guud ahaan laamaha garsoorka ee heer federaal iyo Heer maamul goboleed,Wasiirada Cadaaladda Dowladda & Dowlad Goboleedyada,iyada oo looga hadli doono arrimo la xiriira Garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

 

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa caqabadaha heysta Garsoorka dalka,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu Shaqeyn lahaa Shacabka Soomaaliyeed.

 

Shirka waxaa furi doono oo goobjooog ka noqon doona qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo hadalo kala duwan ka jeedin doona.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment