1104 Views

Khilaaf ku saleysan is dhaafsiga badeecadaha iyo Khudaarta oo soo kala dhexgalay Puntland iyo Hir-Shabeelle.

Khilaaf ku saleysan is dhaafsiga badeecadaha iyo Khudaarta oo soo kala dhexgalay Puntland iyo Hir-Shabeelle.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ganacsatada deegaanada Maamulkiisa faray in aysan Raashinka ka iibin Ganacsatada Hiiraan inta lagu guda jiro xannibaadda ka dhalatay Covid-19.

 

“Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan” ayuu yiri Madaxwene Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Hadalkaas ayaa saameyn ku yeeshay Ganacsatada labada dhinac oo is dhaafsaday Badeecadaha, Khudaarta, Xoolaha iyo waxyaabo kale oo si maalinle ah isaga kala gudbo Puntland iyo HIr-Shabeelle.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan oo Warbaahinta la hadlay waxa uu raalli gelin ka dalbaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi, maadaama 30-sano xiriir ganacsi oo wanaagsan uu ka dhaxeeyay Ganacsatada Bartamaha iyo Waqooyi Bari.

 

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Deni, isaga oo sheegay in shacabka is fahmay uu kala geynayo, maadaama arrintaan ay dhabar jab u tahay isu gudubka Ganacsigooda.

 

“Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

 

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Ganacsatada waxa aan u ballanqaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan”.

 

waxa uu soo jeediyay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo arrintaan, maadaama dadka aysan kala maarmin, waxaana uu xusay in Madaxweyne Deni uu dusha saaran doono wixii caqabad ah ee ka dhashay go’aankiisa.

 

Ma jiro war kasoo baxay Ganacsatada labada dhinac, waxaana si maalinle ah Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Puntland isaga kala gudba Gaadiid wada Badeecado, Xoolo, Khudaar iyo waxyaabo kale.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment